habaarid
(m.f.dh)

eeg habaar².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh habaarid

qaad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iwm meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iwm carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid.

yu'o [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-'day, -'atay)
1. Wax cawryid. 2. Wax habaarid.

awtaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aamay, -aantay)
Cid aan laga aarsan karin habaarid.

dhaaw [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-way, -wday)
1. Cid habaarid. 2. Cid Jin, dabayl iwm ka daaweyn. 3. ld dhaw².

khabaarid [m.f.dh]
eeg khabaar².

kuhaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
1. Waxyaabo aan weli dhicin waxka-sheegid, ka warramid. 2. Cid gabay iwm ku habaarid.

habaar [m.l]
Dhibaato cid Eebbe looga baryo.

habaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Cid belaayo haleesha Ilaah uga baryid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg