habaas
(m.l)

1. Ciid budo ah oo dabayshu kiciso. 2. H. ah: jimic (xoolo).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh habaas

xajiin [m.dh]
Cuncun haraggu dareemo oo oogadu aad u kahato oo waxyaalo kala gaar ah laga qaado (sida: dhirta qaarkeed, habaaska, cunnada, iwm); cadanyo; caaro. ld xajiimo.

awaaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Wax soconaya habaas kicin.

bootaan [m.dh]
1. Bus; habaas. 2. Meesha buska leh.

budul [m.l] (-llo, m.dh)
1. Meel xoolaha marintoodu ay jilcisay oo habaas ka dhigtay. 2. Dariiq la maro, daw, tub, dhabbe. 3. Wax la tumay oo budo laga dhigay.

cammuud [m.dh]
Ciid jilicsan oo aan lahayn habaas, dhoobo iyo dhagax.

firo [m.dh]
1. Wax jajabay oo habaasoobey oo dabayshu qaaddo; saxar, boor. 2. Nooc ka mid ah ciyaarta turubka oo lagu khammaaro.

habaasi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Boor kicin. 2. Neef riman candho keenid; carin; gorin.

habaasin [m.f.dh]
eeg habaasi.

hurguf [m.l]
Jafidda habaas, biyo iwm wax laga jafo. ld hurgufid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg