habar
(m.l) (-rro, m.dh)

Haruubka haanta.

habar
(m.dh) (-bro, ml.)

1. Naag duq ah. 2. Hooyo. 3. Dubaarad, dubnad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh habar

aayo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Afo waxa ay u tahay carruurta ninkeedu ka dhalay naag kale. 2. Haweeney qof abtigii ama adeerkii qabo. 3. Qof waxa ay u tahay hooyadiis walaasheed; habaryar. ld aaye.

dhabar [m.l] (-rro, m.dh)
Oogada nafleyda, inta ka bilaabata surka salkiisa ilaa meesha lafdhabartu ku dhammaato; dul.

dhabar-adag [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dkaa, -dkayd)
Qof hawsha adkaysi u leh ahaansho.

dhabar-adayg [m.l]
Adkaysi loo yeesho hawl. ld dhabar-adkaan.

dhabar-adkaan [m.f.dh]
eeg dhabaradag. ld dhabar-adayg, dhabar-adkaansho.

dhabar-adkaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld dhabar-adkaan.

dhabar-daaco [m.dh]
Godnaanta dhabarku ku yeesho dusha sare.

dhabar-garaac [m.l]
Xoog kula bixidda gabar la guursanayo. ld duud-garaac¹.

dhabar-garaac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday)
Gabar la guursanayo xoog kula bixid. ld duud-garaac².

dhabar-garaacasho [m.f.dh]
eeg dhabar-garaaco. ld duud-garaacasho.

hab [m.l] (-bab, m.l)
1. Sida wax loo qabto ama loo sameeyo. 2. Caano ama biyo aan badnayn oo loogu talaggalay in carruurta la siiyo. 3. ld habid.

hab [m.l] (-bab, m.l)
(nax.) Habka uu hadluhu u soo bandhigo hawlaha (ama sifooyinka) ay falalku muujiyaan.

hab [m.dh]
Habsiin.

hab [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-bay, -btay)
1. (f.g) Ilmo dhashay caano ama biyo ku qabasho. 2. (f.mg) Weel, hoore dhibic-dhibic u sii dayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg