habay
(m.l)

1. H. ah: weel cusub oo la tolay, markaa la agloolay oo hoorihii lagu shubo sii daaya. 2. ld habyid. ld habayo.

habay
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-byay, -bayday; -byi)

Weel dareere lagu shubay sii dayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh habay

jaangooyo [m.dh]
1. Qorshe habaysan oo la raaci karo. 2. ld jaangooyn.

naatariyam-haydaroogsaydh [m.l] (-dhyo, m.dh)
(kiim.) (koostic sooda, NaOH). Adke cad oo sayax-milme ah una habaysan duneed, ilays gudbintiisuna liidato. Milanka uu ku jiraa waa alkali xooggan waana gudbiye-milme.

taallatiriyaad [m.dh] (-dyo, m.l)
Dhagxaan tiro badan oo sida buur yar u habaysan oo dadkii hore xabaasha madaxdooda ku dhisi jireen.

tacliin [m.dh]
Aqoon habaysan oo la barto.

caddo [m.dh]
1. Dayaxa labadiisa toddobaad ee hore. 2. Habayn dayax leh.

dabaal [m.dh]
Dhaqdhaqaaq habaysan oo ay nafleydu sameyso markay biyo ku dhex jiraan si aayan ugu hafan. ld dabbaal².

dhabayn [m.f.dh]
eeg dhabee.

dhabayoco [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
Dh. ah: qof saqajaan ah.

dhayogsi-rayboniyuuglig [m.l]
(baay.) (Dh. asiidh) Asiidh bu'eed ka kooban tiro badan oo niyukliyootaydha ah oo u habaysan si ay u sameeyaan xidhmo keliya.

dhismo [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
(nax.) Qaabka ay u habaysanyihiin curiyeyaal afeed (sida “foniimyada”, “ereyada”, “oraahyada”), oo ku dhisan xiriirka isdhaafsan ee ka dhexeeya curiyeyaasha.

hab [m.l] (-bab, m.l)
1. Sida wax loo qabto ama loo sameeyo. 2. Caano ama biyo aan badnayn oo loogu talaggalay in carruurta la siiyo. 3. ld habid.

hab [m.l] (-bab, m.l)
(nax.) Habka uu hadluhu u soo bandhigo hawlaha (ama sifooyinka) ay falalku muujiyaan.

hab [m.dh]
Habsiin.

hab [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-bay, -btay)
1. (f.g) Ilmo dhashay caano ama biyo ku qabasho. 2. (f.mg) Weel, hoore dhibic-dhibic u sii dayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg