habaysan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-smay, -santay; -smi)

Wax la nadaamiyey noqosho.

habaysan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-snaa, -snayd)

Wax la nadaamiyey ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh habaysan

jaangooyo [m.dh]
1. Qorshe habaysan oo la raaci karo. 2. ld jaangooyn.

naatariyam-haydaroogsaydh [m.l] (-dhyo, m.dh)
(kiim.) (koostic sooda, NaOH). Adke cad oo sayax-milme ah una habaysan duneed, ilays gudbintiisuna liidato. Milanka uu ku jiraa waa alkali xooggan waana gudbiye-milme.

taallatiriyaad [m.dh] (-dyo, m.l)
Dhagxaan tiro badan oo sida buur yar u habaysan oo dadkii hore xabaasha madaxdooda ku dhisi jireen.

tacliin [m.dh]
Aqoon habaysan oo la barto.

dabaal [m.dh]
Dhaqdhaqaaq habaysan oo ay nafleydu sameyso markay biyo ku dhex jiraan si aayan ugu hafan. ld dabbaal².

dhayogsi-rayboniyuuglig [m.l]
(baay.) (Dh. asiidh) Asiidh bu'eed ka kooban tiro badan oo niyukliyootaydha ah oo u habaysan si ay u sameeyaan xidhmo keliya.

dhismo [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
(nax.) Qaabka ay u habaysanyihiin curiyeyaal afeed (sida “foniimyada”, “ereyada”, “oraahyada”), oo ku dhisan xiriirka isdhaafsan ee ka dhexeeya curiyeyaasha.

giirgiir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Midabayn aan habaysanayn; giir badan u yeeli.

habays [m.l]
ld habayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg