habeen
(m.l) (-nno, m.dh)

Waqtiga u dhexeeya kolka qarraxdu dhacdo iyo kolka ay soo baxayso. ld hameen.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh habeen

gaabbaguul [m.l]
U habeendhixidda meel dheer oo geeddi loo yahay.

yoolyool [m.l]
1. Cayaaro dhawr ah oo ay dhallinyaradu dheelaan habeenkii ama maa-lintii waqtigana ku gaabsadaan, waxaana ka mid ah ciyaar labo goobood (yool) leh oo isaseemid (istaabasho) iyo orod ku badan. 2. ld yoolyoolid.

aboodi [m.l] (-iyo, m.dh)
Nooc haadda ka mid ah oo xagga weynaanta u dhaxeeya gorgorka iyo coomaaddaha, oo habeenkii dhulka u hoyda oo afka luguha iyo baalasha dhinacyadooda guduudan.

ardaa [m.l] (-aayo, m.dh)
Duggaal kor ka furan, ood ka samaysan, aqallada hortooda laga dhiso oo habeenkii lagu caweeyo ama la seexdo.

ayaan [m.dh] (-aamo, m.l)
Dharaar iyo habeenkeed; maalin.

bahalhoosaad [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Xamaaratada iyo cayayaanka intooda sunta leh ama qaabkooda laga cabsado ee habeenkii socda. ld bahalhoose.

bakayle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Naasley yar, dhirxagatada ka mid ah, leh dhego dhaadheer, dhogor jilicsan oo badan iyo bushin kore oo faruuran, oo habeenkii mirato.

bari [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ryay, -riday; -ryi)
1. (f.g) Cid wax ay leedahay ama ka mas'uul tahay si debecsan u weyddiisasho. 2. (f.mg) Habeen meel u hoyasho.

beri [m.l]
1. Waqti aan xaddidnayn ee la soo dhaafay; waa; jeer; seben. 2.(-iyo m.dh) Dharaar iyo habeenkeeda. 3. B.ga: maanta.

beridhax [m.l]
Baryidda habeen meel la baryo. ld beridhaxmo (2).

habe [m.l]
1. Weel aan biyaha ama caanaha si fiican u celin karin. 2. Dhulka ciiddiisu biyaha si sahlan u sii deyso.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg