habuuq
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective) (-qyo, m.dh)

Sabuulka marka iniinihiisu jilacsanyihiin laakiin uu cunnimo galo; iniino meseggo ama galley oo curdun ah. ld haquuq¹.

habuuq
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-qay, -qday)

Beer, waqti sabuulkeeda la cuni karo gaarid. ld haquuq².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh habuuq

caaneeye [m.dh]
Iniin meseggo ama galley inta aysan habuuq noqon.

habuuqid [m.f.dh]
eeg habuuq². ld haquuqid.

habuuqsasho [m.f.dh]
eeg habuuqso. ld haquuqsasho.

habuuqso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Habuuq gurasho. ld haquuqso.

haquuq [m.l]
ld habuuq¹.

haquuq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
ld habuuq².

haquuqasho [m.dh]
ld habuuqasho.

haquuqid [m.dh]
ld habuuqid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg