hadaf
(m.l) (-fyo/ahdaaf, m.dh)

1. Ujeeddo, himilo. 2. ld hadfid.

hadaf
(m.dh)

Laamo geed oo ay caleemo badan ku yaalliin.

hadaf
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-dfay, -dafay; -dfi)

Wax ka ilduufid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hadaf

ujeeddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Macnaha looga danleeyahay hadal, fal, hadaf iwm. 2. Dulucda qoraal rasmi ah ama dood. ld ulajeeddo.

ahdaaf [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
eeg hadaf.

hadfid [m.f.dh]
eeg hadaf³. ld hadaf¹.

toogo [m.dh]
Muraad, qasad, hadaf, tooggo. 2. Kol; mar. ld tooggo.

had [m.dh]
1. Dhimashada. 2. Wed. 3. ld hed.

had [m.dh] (-do, m.l)
1. Waqti la yaqaan oo bilaw iyo dhammaad leh; goor, kol, ammin. 2. H. iyo goor ama had iyo jeer: mar kastaba. 3. H.ahaa: goortan, waqti-gaan. 4. H.ba: kolkii in la joogaba; marmar. 5. H.da: goorta la joogo; amminka. 6. H.daa: waqtigaan, goortan. 7. H.daba: sidaas darteed. 8. H.dana: kol labaad, kol dambe; misana. 9. H.dee: sidaas darteed, haddaba. 10. H.deer: hadda, amminka.11.H.ma?: goorma? 12. H.diiba: waqtiga la joogo; amminka, hadda.

had [Xiriiriye | Conjunction]
eeg haddii.

had [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1.Wax fahmid ama garasho. 2. Wax xusuusid. 3. Qof dilid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg