hadar
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-dray, -dartay; -dri)

1. Qof jirran ama waalan hadal aan micno lahayn ku hadlid. 2. Wax runta ka fog ku faanid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hadar

hadrid [m.f.dh]
eeg hadar.

indhadaraandar [m.l]
1. Wareeridda lagu wareero wax si aad u qurxoon. 2. Wax arki waayidda, iftiin xoog badan oo indhaha ku dhaca dartii wax lala arki waayo. ld indhadaraandarid.

indhadaraandar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax aad u qurxoon ku wareerid. 2. Iftiin xoog badan oo indhaha ku dhacay awgii wax la arki waayid.

indhadaraandarid [m.f.dh]
eeg indhadaraan-dar². ld indhadaraandar¹.

khadar [m.l]
Nasiib wanaagsan.

had [m.dh]
1. Dhimashada. 2. Wed. 3. ld hed.

had [m.dh] (-do, m.l)
1. Waqti la yaqaan oo bilaw iyo dhammaad leh; goor, kol, ammin. 2. H. iyo goor ama had iyo jeer: mar kastaba. 3. H.ahaa: goortan, waqti-gaan. 4. H.ba: kolkii in la joogaba; marmar. 5. H.da: goorta la joogo; amminka. 6. H.daa: waqtigaan, goortan. 7. H.daba: sidaas darteed. 8. H.dana: kol labaad, kol dambe; misana. 9. H.dee: sidaas darteed, haddaba. 10. H.deer: hadda, amminka.11.H.ma?: goorma? 12. H.diiba: waqtiga la joogo; amminka, hadda.

had [Xiriiriye | Conjunction]
eeg haddii.

had [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1.Wax fahmid ama garasho. 2. Wax xusuusid. 3. Qof dilid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg