hadee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-deeyay, -deysay)

1. Qof dhintay quraan u akhrin. 2. Digsi dabool saarid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hadee

maakhadee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-deeyay, -deysay)
U maakhadee cid been ku madadaalin.

baqshadee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
Wax baqshad dhex gelin (waraaq).

barkhadee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
Cid barkhad siin (Eebbe).

fookhadee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
Cunto fookhad u yeelid.

hadeec [m.l]
Socod luudid ah oo nafley aad u tamar yari socoto. ld hudeec¹.

hadeec [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Nafley aad u tamar yar luudid. ld hudeec².

hadeecid [m.f.dh]
eeg hadeec². ld hudeecid.

hadeyn [m.f.dh]
eeg hadee.

hudeec [m.l]
ld hadeec¹.

had [m.dh]
1. Dhimashada. 2. Wed. 3. ld hed.

had [m.dh] (-do, m.l)
1. Waqti la yaqaan oo bilaw iyo dhammaad leh; goor, kol, ammin. 2. H. iyo goor ama had iyo jeer: mar kastaba. 3. H.ahaa: goortan, waqti-gaan. 4. H.ba: kolkii in la joogaba; marmar. 5. H.da: goorta la joogo; amminka. 6. H.daa: waqtigaan, goortan. 7. H.daba: sidaas darteed. 8. H.dana: kol labaad, kol dambe; misana. 9. H.dee: sidaas darteed, haddaba. 10. H.deer: hadda, amminka.11.H.ma?: goorma? 12. H.diiba: waqtiga la joogo; amminka, hadda.

had [Xiriiriye | Conjunction]
eeg haddii.

had [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1.Wax fahmid ama garasho. 2. Wax xusuusid. 3. Qof dilid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg