hadi
(m.l)

Geed quwaax xabag udgoon oo laga ganacsado leh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hadi

baad [m.dh]
1. Hanti qof ama dadkii laga adkaado baxsho. 2. Hadiyad la siiyo qof madax ah.

yahan [m.l]
1. Dhagax, adag, xanaf leh oo middiyaha, toorriyaha iwm lagu afeeyo. 2. Baydari; ugaarsade; laaye; dile; hargaanti. 3. Hadii magac gadaal loogu liifaqo xirfad ayuu muujiyaa. Tus. “Dagaalyahan, aqoon-yahan iwm”.

ammaan [m.dh]
Wax wanaagsan oo cid laga sheego. 2. Xoolo hadiyad ahaan loo siiyo madaxda ama boqorrada.

dhadi [m.l]
ld dhagi.

dhadid [m.dh]
eeg dhad. ld dharid.

hadid [m.f.dh]
eeg had³.

hadiid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Ku h.: si hunguri weyni ku jirto wax u boobid. 2. Ku h.: si ku celcelis ah qalab aan af lahayn wax ugu goyn.

hadiidid [m.f.dh]
eeg hadiid.

hadimee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -meysay)
Cid hadimo gaarsiin.

ha [qr. 1. (nax.)]
Qurub ka hormara falka wax lagu farayo cid kale. Tus. “Wiilasha buugta ha akhriyeen”. 2. Qurub ka hormara falka wax lagu reebayo (fal amar diidmo). Tus.“Ha keenin!”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg