hadli
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-iyay, -isay)

Ka h.: hadalsii.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hadli

wadahadlid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg wadahadal².

yamyam [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. Y. ah: qof hadal badan. 2. Askar ku hadli jirtay afka sawaaxiliga oo ingiriisku ka keenay bariga Afrika.

afcaan [m.l]
(afaf-caan, m.l) (c.af) Luqadda caadiga ah oo looga hadlo ama laga fahmo dhul ballaaran, dadyow kala duwanna ay ku hadli karaan ama fahmi karaan inkasta oo uusan ahayn afka waddaniga ah. Af Inqiriisku waa af-caamka ugu muhiimsan, oo ay ku hadlaan fahmaanna in ka badan dunida nuskeed.

afkalaqaadid [m.dh]
1. Afkalaqaad. 2. Afka oo la kala qaado; hadlid.

afmaldahid [m.dh]
Af maldahan ku hadlid. ld afmaldihid.

afnaq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
1. Magac qof kale ku hadlid; afhayn. 2. Ku a.: qof, qof kale xurmad ka mudan si uusan jecleysan ugu warcelin; afceli.

balaq [m.l] (-qyo, m.dh)
1. Cad yar oo hilib ah oo aan waxtar lahayn. 2. Cad hilib ah oo meel ka lusha. 3. Afka b. ha igu siin: ha ila hadlin.

beensheegid [m.dh]
Ku hadlidda qof hadal been ah ku hadlo. ld beensheeg (2).

booyaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay, -aami)
Hadal badan oo aan duluc lahayn ku hadlid.

calwasaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Qof hurdaya hadlid. ld carwasaad².

had [m.dh]
1. Dhimashada. 2. Wed. 3. ld hed.

had [m.dh] (-do, m.l)
1. Waqti la yaqaan oo bilaw iyo dhammaad leh; goor, kol, ammin. 2. H. iyo goor ama had iyo jeer: mar kastaba. 3. H.ahaa: goortan, waqti-gaan. 4. H.ba: kolkii in la joogaba; marmar. 5. H.da: goorta la joogo; amminka. 6. H.daa: waqtigaan, goortan. 7. H.daba: sidaas darteed. 8. H.dana: kol labaad, kol dambe; misana. 9. H.dee: sidaas darteed, haddaba. 10. H.deer: hadda, amminka.11.H.ma?: goorma? 12. H.diiba: waqtiga la joogo; amminka, hadda.

had [Xiriiriye | Conjunction]
eeg haddii.

had [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1.Wax fahmid ama garasho. 2. Wax xusuusid. 3. Qof dilid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg