hadoodil
(m.l)

1. Balbalo. 2. Dedidda meel dusha sare laga dedo si har loogu yeelo. 3. ld hadoodilid.

hadoodil
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ilay, -ishay)

Wax har u yeelid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hadoodil

hadoodilan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Wax dusha laga dedey si har loogu yeelo ahaansho. ld hadoodillan.

hadoodilid [m.f.dh]
eeg hadoodil². ld hadoodil¹ (3).

hadoodillan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
ld hadoodilan.

hadoodillanaan [m.dh]
ld hadoodilnaan.

hadoodillanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld hadoodilnaan.

hadoodilnaan [m.f.dh]
eeg hadoodilan. ld hadoodillanaan, hadoodillanaansho, hadoodilnaansho.

hadoodilnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld hadoodilnaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg