hafar
(m.l)

Masabididda wax been ah oo aan cid la siin lagu masabido. ld hafaryo, hafriin, hafriinyo.

hafar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-fray, -fartay; -fri)

Qof wax aan la siin ku masabidid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hafar

dhafar [m.l]
1. Soo jeed habeennimo. 2. (-rro, m.dh) Xarig dheer dabagelis leh oo reeryada lagaga xiro. 3. ld dhafrid.

dhafar [m.dh]
Habeen dhan oo digri lagu soo jeedo gaar ahaan siyaarooyinka.

dhafar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fray, -fartay; -fri)
Habeen dhan soo jeedid (cid).

dhafarsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax dhafar hayo ahaansho (qof). 2. Wax dhafar lagu xiray ahaansho (awr).

dhafarsanaan [m.f.dh]
eeg dhafarsan. ld dhafarsanaansho.

dhafarsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld dhafarsanaan.

dhafaruur [m.l]
Geed gaab laamo dhuudhuuban oo miro hurdi ah macaan oo la cuno leh.

hafaran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay; -rmi)
Qof la hafray noqosho.

haf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
1. Wax, wax kale ku qaldid. 2. Wax halmaamid.

haf [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
Cod lagu muujiyo hafidda.

haf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Cunto boobid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg