hagaajin
(m.f.dh)

eeg hagaaji. ld hagaajis.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hagaajin

aslaax [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-xay, -xday)
1. (f.g) Hagaajin; dhul in wax lagu beero u diyaarin. 2. (f.mg) Nabad ka a.: nabad dhax dhigid.

cunwaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Magaca la siiyo buug, maqaal iwm oo tilmaamaya waxa uu ka hadlayo. 2. Meel cid waraaqaha loogu hagaajin karo. ld cinwaan.

dayactir [m.l]
1. Dib u hagaajinta lagu sameeyo guri, qalab iwm oo wax ka xumaadeen. 2. Ka ilaalinta wax laga ilaaliyo darxumada iyo baylahda.

dayactir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Guri, qalab iwm wax ka xummaday dib u hagaajin. 2. Wax darxumo iyo baylah ka ilaalin.

dibuhabayn [m.dh]
1. Hagaajinta lagu sameeyo maamul, nidaam, waxbarasho iwm. 2. Dayactir.

hagaajis [m.l]
ld hagaajin.

rid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Wax hoos u sii deyn. 2. Qof jago ama dhibco ka qaadid. 3. Xabbad, waran iwm gannid. 4. Wax wax kale dul saarnaa ka tuurid. 5. Ka r.: dugaag ama tuug wax uu sito ka dhigid. 6. Ku r.: xoolo ama dad jid ay maraan ku hagaajin. 7. U r.: meel ama weel gudihiisa wax gelin si wax ku jira loogala soo baxo. 8. Isha ka r.: arrin xalkeeda asiibid. 9. Dib u r.: arrin fulinteeda dib u dhigid.

samee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -maysay)
1. Wax hagaajin. 2. Fal ku kicid.

shaqaysii [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iiyay, -iisay)
1. Ka sh.: qof in uu shaqo qabto ku kallifid. 2. Ka sh.: matoor iwm oo aan shaqaynayn hagaajin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg