hagaas
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

1. H. ah: xumaanshaha korriimada hore ee ubadka nafleyda. 2. ld hagaasid.

hagaas
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-say, -stay)

Nafley aan korriimo fiican helin noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hagaas

gulaan [m.l]
1. Geedgaab caleemo dhanaan, daranta la bah ah, oo geelu daaqo. 2. Neef ama qof hagaas noqday oo korriimadii ka xumaatay.

hagaasi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley korriimo xumo dhaxalsiin.

hagaasid [m.f.dh]
eeg hagaas². ld hagaas¹ (2).

hagaasin [m.f.dh]
eeg hagaasi.

jidhi [m.dh] (-iyo, m.dh)
(bot.) Nooc deegaan ah oo ka kooban geed qaab bixitaankiisu gaabiyo iyo dhir hagaastay (sfunted tress), inta badanna dhererkoodu waa 1-2 mitir, mar marna leh dhir dhaadheer. Waxa laga helaa gobollada roobku ku yaryahay ama leh carro aad ugu xun inay kaymo ka baxaan, sida dhulka oomane-u-eka ah ee cidhifyada lamadegannada; dadka dagganina waxa laga yabaa iney noqdaan reerguuraa, xoolo dhaqato.

raboosh [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-shay, -shtay)
Nafley koritaan ku hagaasid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg