hagar
(m.dh)

Isku ladidda hawl ama arrin wax ka qabashadeeda la isku lado; xoogdhabiil; dhagar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hagar

bidixee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-xeeyay, -xeysay)
1. (f.g) Wax si hagar leh u sameyn. 2. (f.mg) Ka b.: wax dhanka bidix ka marid.

dhagar [m.dh]
Khayaano.

dhagar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gray, -gartay; -gri)
Khayaano cid ku samayn.

dhagarley [m.dh]
Haweeney dhagar badan. ld dhagarrey.

dhagarlow [m.l]
ld dhagarqabe.

dhagarqabe [m.l] (-bayaal, m.l/dh)
Qof cid dhagar ka galay. ld dhagarlow, dhagarre, dhagarrow.

dhagarre [m.l]
ld dhagarqabe.

dhagarrey [m.dh]
ld dhagarley.

dhagarrow [m.l]
ld dhagarqabe.

guurree [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-reeyay, -reysay)
1. (f.g) Cid hagardaamayn. 2. (f.mg) Rucleyn (orod).

hag [Erey Dareen | Exclamation]
Cod lagu isticmaalo in dameer socodsiiyo; yalla.

hag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Qof indho la'hoggaamin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg