hagoog
(m.dh) (-go, m.l)

1. Maro qaarka sare ee dadka oo aan indhuhu ku jirin lagu daboolo. 2. Sida marada hagoogta ah loo xirto. 3. Gambada haweenku madaxa saartaan. 4. Koofiyadda inteeda wejiga hareysa.

hagoog
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-gay, -gtay)

1. Wax dedid. 2. Meel har u yeelid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hagoog

maamuusiyad [m.dh] (-do, ml.)
Sariir weyn oo kulligeed qoryo ka samaysan, oo xardhan dushana hagoog ku leh. ld maamuusiyad.

saari [m.dh]
Maro badanaa xariir ah oo dumarka hindidu qaataan oo guntiino iyo hagoogba u ah.

hagoogad [m.l]
ld hagoogasho.

hagoogan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gnaa, -gnayd)
Wax hagoog leh ahaansho.

hagoogasho [m.f.dh]
eeg hagoogo. ld hagoogad.

hagoogid [m.f.dh]
eeg hagoog².

hagoognaan [m.f.dh]
eeg hagoogan. ld hagoognaansho.

hagoognaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld hagoognaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg