hakad
(m.l) (-dyo, m.dh)

1. Joogsad yar oo wax soconayey sameeyaan. 2. Astaan qoraal oo kala qoqobta ereyada iyo weeraha. 3. ld hakasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hakad

waabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid ama wax socday hakin. 2. Wax dagaal u taagan ama u soo socda nabar uu la hakado ama uu ku gabbado u taagid; baacin. baacin

taddawur [m.l]
(c.nafl.) Hab soo korid ah, oo aan hakad lahayn, oo leh horumar gaar ah oo ku xiran waqti go'an.

astaamayn [m.dh]
(nax.) Astaamo lagu kala qaybiyo hadal qoran sida: hakad, joogsi, kolmo, bilo, laba dhibcood iwm.

dareeri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. ld dureeri. Nafley, meel ay tuurnayd ka dhaqaajin. 2. Hilib dareerin ka dhigid. 3. Si dhaqso ah oo aan hakad lahayn wax u akhrin.

dhakad [m.l]
ld dhakasho.

hakad-wadneed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.nafl) Wejiga garaaca wadnaha ka dhex dhaca labada isku soo urur ee wadnaha, marka ay muruqyada wadnuhu dabcaan ee caloolyaradana dhiiggu ka buuxsamo.

hakasho [m.f.dh]
eeg hako. ld hakad.

shakad [m.dh] (-do, m.l)
Suun shiraac ama harag ka samaysan oo jeebab badan leh xabbadahana lagu rito.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg