hal-abuur
(m.l) (-rro, m.dh)Curinta maansada.
hal-abuur
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)Maanso curin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hal-abuur ↴
abwaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Buug ama buugag taxane ah oo laamaha aqoonta oo dhami ku uruursanyihiin. 2. Nin curin iyo hal-abuur suugaaneed leh. 3. A. ah: nin garasho aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh. 4. (riw.) Qof riwaayadaha curiya.
abwaanad [m.dh] (-do, m.l)
1. Haweeney curin iyo hal-abuur suugaaneed leh. 2. A. ah: haweeney garasho, aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh.
aftahan [m.l] (-nno/-ammo, m.dh)
1. Qof fikraddiisa si wanaagsan hadal ugu cabbiro. 2. Awoodda hal-abuur ee qof leeyahay.
aftahmo [m.dh]
1. Awodda qof u leeyahay inuu fikraddiisa si wanaagsan hadal ugu cabbiro. 2. Awoodda hal-abuur ee qof leeyahay.
gabyaa [m.l]
Nin hal-abuurka maansada yaqaan. ld gabayaa.
hal-abuurid [m.f.dh]
eeg hal-abuur². ld hal-abuuris.
hal-abuuris [m.dh]
ld hal-abuurid.