halco
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-caday, -catay)Jir gubtay kul ka dareemid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh halco ↴
dhalco [m.dh]
1. Kulka qorraxda subaxnimo. 2. Meel bannaan oo aan har lahayn.
halcasho [m.f.dh]
eeg halco. ld halcad.
isku-go' [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-'ay, -'day)
(muus.) Wax dhawaaqooda ama ridimikood isku jaango'an; halcodlayn.
hal [m.l] (-lo, m.l)
1. Tirada eber iyo laba u dhexeysa; kow. Tus. “Wuxuu dhalay hal wiil iyo hal gabar”. 2. Eray; hadal. 3. H. ah: Wax isku duuban ama wada jira. Tus. “Annagu hal baynu nahay”. 4. Meel; xag. Tus. “Halkan dhig: meeshan dhig”.
hal [m.dh] (-lo, m.l)
Neef geel dhedig ah oo curtay.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg