haydarojiin
(m.l)(kiim.) Summadda H. Curiye neef ah oo ur iyo midab midna aan lahayn. Waa curiyaha ugu fudud uguna badan adduunka. Wuxuu ku jiraa biyaha iyo dhammaan iskudhisyada organikada ah.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh haydarojiin ↴
kaaftoon [m.l] (-nno, m.dh)
(kiim.) Awoodda ku darsamidda ee curiye ama xidishe leeyahay, oo le eg tirada atammada haydarojiinta ah ee ku darsama ama barabixiya hal ataam oo curiye ah. Molikuyuullada dabarwadaagga ee fudud kaaftoonkooda si toos ah ayaa loo helaa, tusaale ahaan kaaftoonka kaarboonka ku jira CH waa 4, kan naytarojiinta ku jirta NH3 waa 3. Ayoonnada kaaftoonkooda waxa loo tixgeliyaa in uu u dhigmo laxaadka saldanabka.
yarayn [m.dh]
(kiim.) Ogsijiin kasaaridda ama haydarojiin kudaridda loo geysto iskudhis. Guud ahaan, waxa la odhan karaa atam, molikuyuul ama ayoon wuu yaraaday ama yarayn baa ku dhacday marka uu helo elektaroono.
aayoonka haydarojiin [m.l]
eeg asiidh; PH.
amayn [m.dh]
(kiim.) Iskudhisyo orgaanig ah oo sameysma marka hal ama in ka badan oo atamyada haydarojiin ee amooniyada lagu beddelo koox orgaanig ah.
arayl [m.l] (-llo, m.dh)
(kiim.) Koox orgaanig ah samaysanta marka atam haydarojiin ah laga saaro haydarokaarboon aroomaatig ah ama mid ka farcamay.
asiidh [m.l] (-dyo, m.dh)
(kiim.) 1. Nooc iskudhis ah oo leh haydarojiin kuna kalafurma biyaha oona saara ayoonno togan oo haydarojiin ah. 2. Aragtida lowri-boronistidh ee asiidhada iyo beysyada (1923), waxay qeexiddaa hore u ballaadhisay, in asiidhu tahay borotoo.
bituuminas [m.l]
(jool.) Dhuxuldhagax madowdhalaal ah; 75% ilaa 92% oo ka mid ahiba waa kaarboon; 4.5% ilaa 5.6% waa haydarojiin. Sida caadiga ah, waxaa loo yaqaan dhuxul guri. B. waa dhuxul-dhagax heer sare ah oo ka darajo sarraysa lignaytka, kana darajo hooseysa antarasayt. Waa dhuxul dhagaxda ugu badan uguna muhiimsan ee la helo iyadoo siyaabo dhawr nooc ah u jirta, sida dhuxulkook iyo dhuxulneefeed.
biyoculus [m.dh]
(kiim.) Diyuteeriyam ogsaydh: biyaha atamyadu haydarojiin ee ku jiray, 1H, ay beddeleen isku godka ka culus ee diyuuteeriyam, 2H, summaddiisuna tahay D. Waa hoor midab laawe ah.
culays-isudhigan [m.l]
(kiim.) Cufka curiyaha ama iskudhiska ku darsami kara ama barabixin kara hal garaam oo haydarojiin ah (ama siddeed garaam oo ogsijiin ama 35.5 garaam oo koloriin) marka falgal kimikaad dhacayo. Culays-isudhiganku wuxu u taaganyahay “awoodda ku-darsamidda” ee walaxda.
cusbo [m.dh]
(kiim.) Iskudhis ka kooban xidishe asiidh iyo mid beys, ama iskudhiska samaysma marka biri la falgasho asiidh ee haydarojiinta si buuxda ama dhiman loo barabixiyo.