haydarokaarboon
(m.l) (-nno, m.dh)(kiim.) Iskudhisyada kiimikaad ee ka kooban karboon iyo haydarojiin oo keliya.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh haydarokaarboon ↴
alkayn [m.l] (-no, m.dh)
(kiim.) Koox ka tirsan haydarokaarboonnada aan dheregsanayn; loona yaqaan sitayliinno. Waxay wadaagaan naanaysta guud ee C H-na waa abyoone.
arayl [m.l] (-llo, m.dh)
(kiim.) Koox orgaanig ah samaysanta marka atam haydarojiin ah laga saaro haydarokaarboon aroomaatig ah ama mid ka farcamay.
bensiin [m.l]
(kiim.) Haydarokaarboon hoor ah oo midablaawe ah, ur gaar ahna leh. B.tu waa iskudhis sun ah; uumigeeduna wuxuu keena waxyeello haddii isdabajoog loo neef qaato. ld baansiin.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg