hayl
(m.l)Iniino qolof ku dahaaranyahay, oo cuntada, shaaha, iwm lagu udgiyo. ld heyl.
hayl
(m.dh) (-lo, m.l)1. Summad xoolaha loo yeelo iyadoo dhegta in yar hoos loo jeexayo. 2. Mirraaq yar oo maro dacalkeeda laga jeexay. ld haylaan².
hayl
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ylay, -yshay)1. Neef summad hayl ah u yeelid. 2. Wax si dherer ah u dillaacin. ld haylaamee, haylyaamee.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hayl ↴
bakhayl [m.l] (-llo, m.dh)
Nin aan hantidiisa dadka kale wax fiican siin; muudal; dhabcaal. ld bakhiil¹.
bakhayl [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aylay, -ayshay)
ku b.: hanti bixinteeda ku gacan adkansho. ld bakhiil².
bakhaylad [m.dh] (-do, m.l)
Naag hantida wax aad u yar ka bixisa.
bakhaylid [m.f.dh]
eeg bakhayl². ld bakhiilid.
bakhaylnimo [m.dh]
Bakhayl ahaansho. ld bakhiilnimo.
cammir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Dukaan, badeeco badan dhigid. 2. Shaah, sonkor, caleen, qoroful, hayl iwm isu dheellitirid.
dhayl [m.l]
1. ld dhaylo. 2. dheel².
dhayl [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ylay, -yshay)
Neef yaraan ku qalasho.
dhayladhufaan [m.l]
ld dhayladhufaamid.
dhayladhufaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
Orgi yar caana-nuugnimo xiniinyaha kaga bixin.
ha [qr. 1. (nax.)]
Qurub ka hormara falka wax lagu farayo cid kale. Tus. “Wiilasha buugta
ha akhriyeen”. 2. Qurub ka hormara falka wax lagu reebayo (fal amar diidmo). Tus.“Ha keenin!”.