heed
(m.dh)Nooc badarka ka mid ah oo miro yaryar leh.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh heed ↴
buuxso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Wax muggiisa wax dhan ku shubasho ama ku qaadasho. 2. Foomka b.: warqad meela- heeda bannaan shuruudo looga baahnaa ku qorasho.
cimri-badheed [m.l] (-dyo, m.dh)
(kiim.) Qiimaha kala badhka waqti. Waa amminta (ama xilliga) curiye kaahfale ahi ku kala badhmo marka uu mataataxo. Cimri-badheedyada iskugodyadu way kala geddisanyihiin - qaarkood aad iyo aad bay uga yaryihiin ilbidhiqsiga; qaarna waxay gaadhaan dhawr milyan oo sano.
dareen-indheed [m.l] (-eemo ..., m.l)
(c.nafl.) Qaybta ugu yaryar saddexda qaybood ee dareenwada tirijeemin waxay soo qaaddaa dareenka kuuska isha, xuubka isha iyo qanjirka ilmada; waxay ka soo qaaddaa oo kale qayb yar oo sanka gudihiisa ka mid ah iyo maqaarka sanka sunniyaha iyo maqaarka madaxa.
dheedheero [m.dh]
ld dheerdheero.
dheedheeroo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-raaday, -raatay)
ld dheerdheeroo.
dheedheerood [m.l]
ld dheerdheerood.
heedaddaamid [m.f.dh]
eeg heedaddaan². ld heedaddaan¹.
heedaddaan [m.l]
1. Socod tartiib ah oo qof wareersani socdo. 2. ld heedaddaamid.
heedaddaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
Si wareer ku jiro tartiib ugu socosho.