herin
(m.dh/l)

Qof soo dhammaystay tababbarka xeeladaha ugaarsiga oo heri-noobay.

herin
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)

Koox ugaarsato ah oo bahowday oo xeer iyo xeeladba wadaagta.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh herin

uurkoole [m.l]
Magac ay caan ku yihiin herinta ugaarsatada ah, wuxuuna tilmaamayaa in ay yihiin isku uur oo aanay wax kala qarsan.

awqoosi [m.l]
Gacan yaraha hargaantiga, marka uu herinta la joogo.

boondhow [m.dh] (-wyo, m.dh)
Furdaaminta la furdaamiyo qof herinta ka mid ah oo dembi galay; carromaris.

boongeli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid herin ku darid.

carrabmaris [m.l]
Su'aasha la weyddiiyo herinta inuu jiro cid dembi gashay, marka dhawr goor la soo hungoobo.

deebad [m.l]
1. Ugaarsade aan herinta ku jirin ee keligii ugaarta. 2. Shimbir-malab; buli. 3. Shimbir yar oo qaylo badan oo keli keli dhirta gaagaaban dhex orda, bahallada iyo dugaaggana dadka uga diga.

goob [m.dh] (-bo, m.l)
1. Meel bannaan oo lagu soo bandhigo ciyaaraha. 2. Wax qeyb qeyb u yaalo middood. 3. Meesha ay herintu degto marka ay oroobka tahay. 4. (riw.) Meesha lagu sameeyo masraxi-yadda.

halgame [m.l] (-mayaal, m.l/dh)
Madaxa herinta, xagga toogta iyo ilaalinta habdhaqankooda.

hanna [m.dh]
Dembi ah wax ka baxsan ballannada herinta ama xeerka qofkii ku xad gudba ayaa la yiraahdaa (hannaa gashay) waxaana ugu culus, u galmoodka naageed inta ugaarsiga lagu jiro ama loo tabaabushaysanaayo, siiba waqtiyada oroobka.

haro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Biyo badan oo fadhiya oo aala macaan oo dhinac walba dhul kaga wareegsanyahay; balli weyn. 2. Hungowga ku dhaca herinta marka ugaar la soo waayo.

her [m.dh] (-ro, m.l)
1. Riyo ama ido ku nool degaan aysan u dhalan. 2. Nooc idaha ama riyaha ka mid ah oo baryari u dhashay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg