heshiis
(m.l) (-syo, m.dh)1. Isku raacidda arrin go'aankeed la isku raaco. 2. ld heshiin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh heshiis ↴
nabaddoon [m.l] (-nno, m.dh)
1. Qof loo xilsaaray in uu cido colaadi dhextaal heshiisiyo. 2. Qof qabiil madax u ah; caaqil; ugaas.
nabadsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Laba qof ama laba qolo oo dagaallamay heshiisiin; nabadayn.
nabdi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Dad colaadi dhextaal heshiisiin. 2. Cid salaamid.
waanwaan [m.dh]
1. Nabad yar oo ay kala dhigtaan laba qolo oo ay colaadi dhex tiil, heshiis nabadeed oo ku meel gaar ah. 2. Rajo.
ansaxin [m.dh]
(qaan.) Ansixin heshiis qoraal ah ama dukumenti oo la siinayo caddeyn saxiixid ah, oo aad sameysay mid rasmi ah.
aslaaxi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nabad ka a.: heshiisiin.
borotokool [m.l]
1. Diiwaan. 2. Heshiis caalami ah oo ku saabsan habka loo maro xafladaha dibloomaasiga ah.
caymis [m.l]
1. Shirkad lacag ka qaadda ciddii ay heshiis la gasha oo u magdhawda markuu shil ku yimaado. 2. ld caymin.
daawaley [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
D. ah: dad heshiis wax wadaqabsi iyo is-taakulayn ka dhexeeyso.
daawo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Maaddo cudurrada, nabarrada, dhaawaca iwm lagula tacaalo. 2. Heshiis iskaashi oo cid ka dhexeeya. 3. Maaro; xal. ld dawo.