hiig
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-gay, -gtay)

Harag, suun iwm hiige ku xoqid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hiig

kaadi dhiigow [m.l]
Kaadida oo dhiig soo raaco.

kaadidhiig [m.l]
Cudur dadka ku dhaca oo laga qaado biyaha wasakhda ah ee fadhiya, kaadidana dhiig ka dhiga.

kaadidhiig [m.l]
(daaw.) Cudur dalalka cimilada kulul laga helo oo uu keeno deris-ku-noolka “bilharzia”. Ukumaha deris ku noolka oo soo raaca saxarada ama kaadida qofka qaba cudurka, waxay ku koraan bocoolaha ku jira biyaha macaan kuwaaso u sii daaya biyaha deris-ku-nool yaryar ah oo ka galaya jirka qofka ku mayranaya biyahaas. Astaamaha: kaadida oo dhiig soo raaca.

unugga cad ee dhiigga [m.l]
eeg liyuukoosayt.

unugyada dhiigga ee cas cas [m.dh]
eeg iritaroosayt.

xabagdhiig [m.dh]
Nooc xabagta ka mid ah oo aad u guduud ah.

baaldhiig [m.l]
Cudur digaagga ku dhaca oo baalasha salkooda dhiig u yeela.

dabadhiig [m.l]
Calool xanuun halis ah, casiraad leh, shuban yar oo dhiig iyo axalo isugu jira oo dadka iyo xoolaha ku dhaca.

dacardhiig [m.l]
Dabadhiig.

dareerka dhiigga [m.l] (c.nafl)
Milanka ka soo hara markuu dhiig xargago. Seeramku waxay u dhigantaa balasmada, laakiin waxa ka maqan borotein la yiraahdo fibrinogen iyo walax kale oo hab hawleedka xargagidda loo isticmaalay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg