hindhiso
(m.dh)Neef kedis ah, xoog leh, wadata duuf oo laga sii daayo sanka iyo afka.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hindhiso ↴
hargab [m.l]
Xanuun qufac, hindhiso iyo xummad leh oo dadka ku dhaca; duray. ld hergeb.
hayaamiso [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Xasharad xareedeeyaha u eg, duusha, oo la aaminsanyahay in ay cudur siddo. 2. ld hayoomiso, huyuumiso. Cudur hindhiso iyo illin badan leh oo laga qaado hayaamisada iwm; hinjibiso.
samboor [m.l]
Cudur sanka dadka ku dhaca oo hindhiso badan, san cuncun iyo dhibaa-tooyin kaleba keena.
samboor [m.l]
(daaw.) Kahsi ka yimaada budada ubaxa geedaha oo keena halaamacoodka sanka dhexdiisa iyo mararka qaarkood indhaha. Astaan: hindhiso badan.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg