hirgeli
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)Hawl, shaqo iwm sidii loogu talaggalay u fulin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hirgeli ↴
dhaqangal [m.l]
1. Dh. ah: hirgelinta la hirgeliyo sharci, barnaamij iwm. 2. ld dhaqangelid.
dhaqangal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay; -geli)
Sharci, barnaamij iwm hirgelid.
dhaqangeli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Sharci, barnaamij iwm hirgelin.
door [m.l] (-rar, m.l/awdaar, m.dh)
1. Kaalinta uu ka qaato hawl hirgelinteeda. 2. Kal; d.kii hore: mar kowaad. Tus. “D.kii hore baastaa timid”. ld dawr¹, dowr¹ (2).
ful [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ulay, -ushay)
1. Xoolo wabax ah ama dhaan cokan ceel ka tegid. 2. Hawl ama arrin hirgelid.
fuli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Xoolo wabax ah ama dhaan cokan ceel ka wadid. 2. Hawl ama arrin hirgelin.
fuliye [m.l] (-yayaal m.l/dh)
Qof hawl ama arrin hirgeliya.
hirgelid [m.f.dh]
eeg hirgal.
hirgelin [m.f.dh]
eeg hirgeli.