hirqo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-qaday, -qatay)

1. Biyo weel ka buuxsasho. 2. Cunto ama biyo si aad ah uga dhergid. ld harqo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hirqo

harqo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-qaday, -qatay)
1. Nafley biyo ku hafasho. 2. Nafley wax aad uga dhergid. ld hirqo.

shirqool [m.l] (-llo, m.dh)
Tashi qarsoodi ah oo loola jeedo in cid lagu dilo ama lagu waxyeelleeyo.

shirqool [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-oolay, -ooshay)
Cid shirqool u samayn.

shirqoolan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lmay, -lantay, -lmi)
Wax shirqool galay noqosho.

shirqoolan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Wax la shirqoolay ahaansho.

shirqoolid [m.f.dh]
eeg shirqool².

shirqoolmid [m.f.dh]
eeg shirqoolan¹.

hir [m.l] (-rar, m.l)
1. Dhaqdhaqaaq biyaha baddu sameeyaan o heerkoodu kor iyo hoos ugu kaco. 2. Muuqaal fog ee caad, bad, buuro iwm ah. 3. Mowjadaha hawada ee baahiya codadka iyo muuqaallada; mowjad.

hir [m.l] (-rar, m.l)
(fiis.) Labid kaleed ee dhextaal ama dululaati. Marka uu hir socdo, garurka ayaa tamarta meel ka kexeeya, geeyana meel kale.

hir [m.dh]
Nafley bar yar oo buuralayda ku nool (ari).

hir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Meel dheer ka soo muuqasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg