hoggaami
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Awr hoggaan ku wadid. 2. Dad hor kicid ama meel tusid. 3. Wafdi, hay'ad iwm madax u noqosho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hoggaami ↴
jaabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -beysay)
1. Jaabo aruurin. 2. Laab hoggaanka ka mid ah oo ratiga gafuurka loo geliyo si loo hoggaamiyo. ld jaabajaabee. jaabajaabee
laablakac [m.l]
Fal fiirsi la'aan iyo caadifadi hoggaamiso.
laablakicid [m.dh]
Fal ka fiirsi la'aan iyo caadifadi hoggaamiso dareemid.
ohoomi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax wadid ama hoggaamin.
qaa'id [m.l] (-dyo/qaaddo, m.dh)
Qof ciidan hoggaamiya.
abbaanduul [m.l]
Cilmiga barashada hoggaaminta ciidamada xagga dagaalka. ld ammaanduul.
afyaal [m.l]
1. Hoggaamiye; horyaal. 2. Qof cid u qaabbilsan soo dhoweynta. 3. Aftahan. 4. Oodafo. 5. Mir ka duwan iniinaha tusbaxa, dheer, oo soo ooda taxa tusbaxa.
araye [m.l]
Maroodiga lab oo raxanta hoggaamiya; arbe.
bor [m.l] (-rar, m.l)
Maroodi lab, xoog weyn oo raxanta hoggaamiya; arbe.
buxuur [m.l] (-rro, m.dh)
1. Qof aqoon iyo garaad dheeraad ah leh; abwaan; mufti. 2. Koox daanyeero ah kan hoggaamiya..