hoggaan
(m.l) (-aamo, m.dh)

1. Xarigga awrta la rarto luqunta iyo madaxa lagaga xiro oo lagu wado. 2. Maamul sare ee hay'ad dowladeed u qaabilsan arrimo gaar ah. 3. Qof howl-wadeen ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hoggaan

jaabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -beysay)
1. Jaabo aruurin. 2. Laab hoggaanka ka mid ah oo ratiga gafuurka loo geliyo si loo hoggaamiyo. ld jaabajaabee. jaabajaabee

kaadar [m.l] (-rro, m.dh)
Qof loo diyaariyey maamul ama hoggaan siyaasadeed. ld kaadir. kaadir

caalqaado [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-aatay, -aadatay)
Arrin u hoggaansamid awood la'aan awgeed.

faruurxir [m.l]
1. Xarig yar oo layskula xiro faruurta awrta iyo hoggaanka. 2. ld faruurxirid.

hoggaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Awr hoggaan ku wadid. 2. Dad hor kicid ama meel tusid. 3. Wafdi, hay'ad iwm madax u noqosho.

hoggaamiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
1. ld hoggaanshe. Qof dad hor kaca. 2. Qof wax maamula.

hoggaansamid [m.f.dh]
eeg hoggaansan¹.

hoggaansan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Wax arrin, xeer iwm oggol noqosho (qof).

hoggaansan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax xeer, arrin iwm oggol ahaansho (qof). 2. Wax hoggaan lagu wado ahaansho (awr).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg