hoor
(m.l)Nooc geela ka mid ah, caano badan, adkaysi yar, dhogor yar, bar gaaban.
hoor
(m.l)1. Dhibco biyo ah oo meel ka soo dhacaya. 2. Illin.
hoor
(m.l)(kiim.) Wejiga maatarka ee saxarrada walaxdu ay ka koobantahay isugu dabranyihiin si debecsan.
hoor
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)1. Roob di'id. 2. Dhibco biyo ah meel ka soo dhicid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hoor ↴
da' [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-'ay, -'day; -di'i)
1. Roob cirka ka imaansho. 2. Hoore, si dhibic dhibic ah u daadasho. hoore
maaddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Saddexda nooc walxaha dunida yaalla u qaybsamaan mid ka mid ah oo kala ah: adke, hoore, iyo neef.
2. Qayb cilmiyeed isku wax ka hadleysa. ld
maaddad. maaddad
daaci [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) In weyn oo wax hoore ah shubid. 2. (f.mg) Fatihid (webi).
maaleeyo [m.dh]
1. Dheecaan aad u madow, qaraar oo geedaha qaarkood dhalaan. 2. Hoore kasta oo midab aad u madow leh.
unsar [m.l]
Wasakh yar oo ku jirta weel hoore ku jira salkiisa. ld usar.
uumibax [m.dh] (-xyo, m.dh)
1. (fiis.) Isbedelka wejiga hoorku ku noqdo neef ama uumi. Uumibixinta waxay ku dhici kartaa heerkul kasta, dhakhsaheeduna wuxuu la kordhaa heerkulka. 2. (fiis.) Dariiqadda walaxi isaga beddesho dareere isuguna beddesho heerka uumiga ama biyaha hawada ku jira.
uumihoorow [m.l]
(fiis.) Isbeddelka uumi ama neef ay ku noqoto hoor. Weji-gaddoonkaasi waxa wehesha kul baxa.
balqi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Hoore weel ka buuxa in yar ka daadin. 2. Is b.: wax suuxsan iska dhigid.
barbarafow [m.l] (-ro ..., m.l)
(fiis.) Heerkulka hoor iyo wejigiisa adkuhu ay noqdaan kuwo isku dheelitiran, iyagoo ku sugan cadaadis beegal ah. Heerkulkaas wixii ka hooseeya hoorku wuu barafoobaa ama adkaadaa.
barkarkareed [m.dh] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Heerkulka uu cadaadiska uumiga hoorku le'egyahay cadaadiska atmoosfeerka, taas oo uumibaxu ka muuqdo hoorka dhammaantiis.