hormarin
(m.f.dh)eeg hormari. ld hormaris, horummarin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hormarin ↴
dabakeen [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-nay, -ntay)
Ilmo dhalanayo, qaarka dambe soo hormarin.
dhaafi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Wax meel ka gudbin. 2. (f.g) Wax, wax kale oo taagan ama ay isku dhinac u socdaan ka hormarin. 3. (f.g) Iyadoo sixir la adeegsanayo cid jirradeeda cid kale ku wareejin. 4. (f.g) Cid maaweelo waqti kaga lumin. 5. (f.mg) U dh.: cid wax, wax kale ugu beddelid.
hormaris [m.l]
ld hormarin.
qaddin [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-imay, -intay; -imi)
Wax waqtigii la sameyn lahaa ama la bixin lahaa ka soo hormarin.
xeerka kala-hormarinta [m.l]
(xis.) Xeer ku saabsan isku xiridda laba kutirsane ee u dhexeeya xisaabfal labaale ah. Taas oo jawaabtu aan ku xirnayn sida loo kala hormariyo kutirsanayaasha. Sida: a*b = b*a. Xisaabfallada isugeynta iyo iskudhufashadu waxa ay raalliggeliyaan heerka kala hormarinta, haseyeeshee, isuqaybinta iyo kalagoyntuna ma raalligeliyaan.
hormar [m.l]
Koritaan dhaqaale, siyaasad, dhaqan oo la gaaro. ld horummar.
hormar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Ka soo horrayn. 2. Horay u socosho.