hormoon
(m.l)

(baay.) Dhacaan ay qanjirrada jirka qaarkood dhalaan oo dhiigga ku daraan dabadeedna dhaxalsiiya xubno badani inay shaqadooda fuliyaan, korriimada jirkana qayb weyn ka qaata.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hormoon

ugaxlay [m.dh]
(c.nafl.) Xubinta taranka ee ugu muhiimsan xagga dheddigga oo soo saarta unug-ukumeed iyo hormoonnada istroojinka kaltan toosan kaddib markii ay ku dhacaan hormoonnada goonadotroofiin loo yaqaan oo laga siidaayo qoqobka hore ee qanjirdhiiqa bitiwitariga waxa jira laba ugxeeye oo ku yaal qaybta hoose ee uurkujirtada, labada dhinac ee ilmosidaha.

balaasma [m.dh]
(c.nafl.) Qaybta dareeraha ee dhiigga marka laga reebo unugyada dhiigga. Waxay u badantahay biyo ay walxo badani ku milanyihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin borotiinno, cusbooyin gaar ahaan (soodhiyam, bootaasiyam koloraydhyo iyo bikaarboonaytyo), iyo cuntooyin gulukows (amiino asiidhyo, dux), hormoono, faytamiino iyo walxo qashin ah.

cadwoob [m.l]
(baay.) Jidh huruud ah oo ku dhex samaysma moqorka Goonka garaaf ee ilma galeenka naasleyda marka ay ukunta sii daayaan kaddib. Waxay dhiiqdaa hormoonka borojestaroon.

dhacaan-ganaceed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.nafl.) Dhacaanka ka qayb qaata dheefshiidka oo laga sameeyo ganaca. Soo saarkeed waxa kiciya hormoonayaal laga soo daayo xiidmaha qayb ka mid ah (duwoodenam) oo ayagana ay kicisay taabasha cunnada caloosha ka soo dagtay.

insuliin [m.l] (-no, m.dh)
(daaw.) Hormoon brotiin ah, oo ay dhiiqaan ilaha langerhan ee ganaca, kaa oo horumariya qaadashada glukows ay qaadanayaan unugyada jidhku, iyo weliba ku-xukumidda ribanaanta dhiigga.

istroojin [m.l] (-nno, m.dh)
(baay.) Koox hormoonno ah mid ka tirsan, sida: istiriyool, istiroon iyo istradiyool, kuwaasoo suga koridda qaab dumareedka ayagoo horumarinaya koritaanka iyo hawlqabadka xubno jinsiyeedka dumarka iyo qaab jinsiyeedka labaad ee dumarka sida: korista naasaha.

tayrotogsikoosis [m.l]
(daaw.) Xaaladda cudureed oo ay keento hormooniska qanjirka taayroodka oo si dheeraad ah oo aan caadi ahayn ugu jira dhiigga, taasu waxay keentaa wadne garaac dhakhso badan, dhidid, gariir, kacsanan maskaxda, cunno badni, culeyska oo is dhima, u dulqaadasho la'aan kulka.

warcelin [m.dh]
Lammaaneynta wax soo saarka iyo wax gelinta ee hawl soohyada jirku fulinayaan. Shaqada war celinta waxay muhim u tahay hagaajinta shaqaajin dabiici ah oo badan ee jirku sameeyo: hormooniska soo saariddooda, iyo falgallada ensaymisku ka hawl galaan.

xiniin [m.dh] (-nyo, m.l)
(c.nafl.) Labada kuus-kuus ee xubin nimeedka ah oo sameeya shahwada, soona saara hormoonka ragga (androojin) oo ku xiran hormoonno kale (goonadotrofiinis) oo laga soo daayo qanjir dhiiqa bitwitariga.

hormo [m.dh]
1. ld Horin; ormo. 2. ld horayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg