hulan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-lnaa, -lnayd)

God si hul ah loo qoday ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hulan

ugxanside [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
1. (c.nafl.) Organka taranka ee dheddigga xayawaanka kaas oo soo saara ugxanta. 2. (bot.) Salka hulan ee kaarbalka ubaxa, kaas oo ka kooban hal ama in ka badan oo ugxan side yare. Bacriminta kaddib, derbiga ugxansiduhu wuxuu u koraa xagga midhaha isaagoo daboolaya iniinyaha.

god [m.l]
1. (-dad, m.l) Dalool dheer oo hulan oo dhulka ka samysma ama laga sameeyey. 2. Siddeed iyo tobanka hogood ee dayaxa midkoo.

hulnaan [m.f.dh]
eeg hulan. ld hulnaansho.

moqor [m.l] (-rro, m.dh)
1. Dalool yar oo jirridaha dhirta waaweyni yeelato oo kolkii biyaha roobku galaan dhuuno lagaga cabbo. 2. Dululaati hulan oo ku dhex jira jidh adag. ld maqoor.

shulshulan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lmay, -lantay; lmi)
Wax shulshul yeeshay noqosho.

shulshulan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Maro wax shulshul loo yeelay ahaansho.

hul [m.l] (-lal, m.l)
God yar oo ciriiri ah.

hul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ulay, -ushay)
Meel qodid ama daloolin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg