hummaag
(m.l) (-gyo, m.dh)

Muuqaal aan si fiican loo arag.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hummaag

arag-qumin [m.dh]
(daaw.) Awoodda ishu ay ku qumiso dhererka kulmiska bikaacadeeda, ayna u tusto hummaagyo bayaan ah ee walxo yaala fogaanno kala duwan.

haydh [m.l] (-ooyin, m.l)
(fiis.) Hummaagga oo yeesha iin-muuqaal, ayna sababtay, bikaaco ama muraayad xoodan. Haydh midabkeeda humaaggu waxa uu yeeshaa hariiryo midabaysan, taas oo ay ugu wacantahay hannaanka kala geddisan ee ay midabada kala geddisan u qalloocdaan.

hummaagsad [m.l]
ld hummaagsasho.

hummaagsasho [m.f.dh]
eeg hummaagso. ld hummaagsad, hummaagsi.

hummaagsi [m.l]
ld hummaagsasho.

hummaagso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Wax aan si fiican u muuqan eegid.

jeebis-dherer [m.l] (-ryo, m.dh)
(baay.) Nooc ka mid ah sida ay u habaysanyihiin qaybaha iyo organnada xayawaanku kaas oo jidhka loo qaybin karo laba badh oo ah hummaagyo muraayadeed oo mid waliba sallax goonniya saaranyahay. Xayawaan-nada jeebis dherer waxay leeyihiin hab dhaqdhaqaaq oo u goonniya, kaas oo had iyo jeer hal dhinac jidhka u hoggaamiya.

telefishen [m.l]
(tegno.) Hab isgaarsineed lagu gudbiyo wararka maqalka iyo muuqaalka. Qaybta ugu muhiimsan hab isgaarsiinta waa kamarada telifishanka oo wararka aragga u beddesha sinyaale danabeed, raacaya mareegta si loogu habeeyo hirarka baaha. Herarkaasi marka ay soo qaadhaan qaybta telefishinka, waxa uu telefishinku u beddelaa hummaag ka muuqda iskiriinka. ld telefisyoon.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg