hungo
(m.dh)

1. Meel aan waxba oollayn. 2. ld hingo¹.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hungo

carrabmaris [m.l]
Su'aasha la weyddiiyo herinta inuu jiro cid dembi gashay, marka dhawr goor la soo hungoobo.

hankaag [m.l]
Daal iyo dhibaato badan lagala kulmo socod muraadkii lagu hungoobay.

hankaag [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Wax lagu hungoobay daal iyo dhibaato badan kala kulmid.

haro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Biyo badan oo fadhiya oo aala macaan oo dhinac walba dhul kaga wareegsanyahay; balli weyn. 2. Hungowga ku dhaca herinta marka ugaar la soo waayo.

hingo [m.dh]
Neef si xoog leh dhuunta dadka u soo marta oo qaarka sare dhaqaajisa. ld higgo¹, hungo (2).

hongod [m.dh]
Garbaha oo hore yara u soo gota. ld hungod.

hungee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-geeyay, -geysay)
Cid hungo badid.

hungod [m.dh]
ld hongod.

hungoobid [m.f.dh]
eeg hungow.

hun [m.l]
Maro aad duug u ah.

hun [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-umay, -untay; -umi)
Maro duug ah tolid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg