hunguri
(m.l)

1. (-iyo, m.dh) Dhuunta afka, sanka iyo caloosha nafleyda isu haysa oo cuntadu marto. 2. ld hunguri-cad. 2. Cun-to.

hunguri
(m.l) (-iyo, m.l)

(c.nafl.) Qaybta dheefmareenka ee u dhaxayso dalqada iyo caloosha. Waa dhuun muruqaysan oo shaqadeedu tahay inay cuntada u gudbiso caloosha. Habka isku soo ururka ee ay cuntada u gudbisana waxa loo yaqaan dubaaxis. 2. ld hungiri-cad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hunguri

caadaqaate [m.l] (-tayaal, m.l/dh)
1. Qof samaanyaha qaata. 2. Qof hunguri xun.

waddo-hunguri [m.l]
ld waddo-caanood.

xabag [m.dh]
1. (-bko, m.l) Dhacaan geedaha qaarkood ka yimaada ama laga liso oo kolkii uu neecaawda dareemo isqabsada oo adkaada. 2. Hunguriga cad meesha curtu ku taal; cune; dig.

yaw [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Y. ah: qof damac iyo hunguri badan leh oo bulshada dhexdeeda aan qiimo ku lahayn.

yibir [m.dh]
Haweenay aad u hunguri xun.

alfiyoole [m.l] (-layaalyo, m.l/dh)
(c.nafl.) Kiish yar oo ka samaysan xuub khafiif ah, oo ay ku daboolanyihiin tintaafyo wada shaqaynaya oo ku yaalla dhammaadka faracyaraha hunguriga oo neefsashada sambabadu ka dhacdo dushiisa. Sambabku waxa uu leeyahay alfiyoole fara badan. Alfiyoolayaasha ku jira sambabka aadanaha waxa bedkiisa lagu qiyaasay inuu yahay 100 mm.

booc [m.l] (-cyo, m.dh)
1. Hunguri. 2. Cune. 3. In yar oo tubaako shiidan ah.

calool [m.dh] (-lo, m.l)
1. Xubinta dheefshiidka nafleyda oo isku xirta hunguriga iyo xiidmaha. 2. Qaybta jilicsan oo u dhexeysa laabxuunshada iyo gummaarka.

cidhib [m.l] (-byo, m.dh)
(c.nafl.) Dalool liilsami kara oo carjaw ah, kaas oo ku dheggan gidaarka dalqada ee u dhow salka carrabka naasleyda. Mar wax la liqayo wuxuu daboolaa hunguricadka si aanay cuntadu u gelin.

cur [m.l]
1. Carjawda qulaanqulshaha hunguriga cad oo ku taal cunaha ragga oo xagga dibadda u soo taagan; halcun. 2. Qoorta hor ee dhuuban o weelasha qaarkood leeyihiin; sida: dhalada, ubbada iwm.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg