hurdi
(m.l)

Midab u dhexeeya midabka cagaarka iyo kan liinta una eg midabka sacfaraanka.

hurdi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Seexin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hurdi

aranjaato [m.dh]
Cabbitaan laga sameeyo liinxaali, biyo iyo sonkor oo midab hurdi ah leh.

bilirubiin [m.l]
(daaw.) Walaxyo midabeysan oo ka yimid jajabinta heemogolobiinta dhiigga oo xameetida la socda. Labada ugu muhiimsan waxa weeyaan biilirubiin oo midab hurdi ah leh iyo biiliferdin oo midab cagaar ah leh.

cagaarshow [m.l]
1. Cudur dadka ku dhaca,beerka waxyeeleeyo, oo indhaha iyo kaadida cagaarsha. 2. (daaw.) Hurdi noqoshada ama cagaarashada jirka meelo ka mid ah sida: maqaarka, caddaanka indhaha; taas oo tilmaameysa biilirubiinka oo dhiigga ku badan. ld Indhacaseeye.

cismaandooy [m.l]
Geed abaareed aan qodax lahayn, leh caleemo dhuudhuuban, laamo tootoosan oo kala baxbaxsan iyo miro hurdi ah oo la cuno dhexdana laf adag ku leh.

cusbur [m.l]
Budo midab hurdi ah leh oo qurxin awgeed haweenku u marsadaan.

dhafaruur [m.l]
Geed gaab laamo dhuudhuuban oo miro hurdi ah macaan oo la cuno leh.

falooriin [m.dh] (-nno, m.dh)
(kiim.) Curiye neef ah, aadna u firfircoon midabkiisuna yahay hurdi cagaaran kana tirsan haloojiinada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayaasha).

faxal [m.l] (-llo, m.dh)
(baay.) 1. Xubuub cufan oo ka kooban gaamaytyada lab ee iniinta geedka, kuwaas oo ka baxa iyaga oo farabadan kiishfaxalka. 2. Labada laab ee sare ee faxal-sidaha geedka kuwaas oo had iyo jeer midabkoodu yahay hurdi, laab waliba waxa uu ka koobanyahay laba kiishfaxal oo ay ku dhex jiraan boodh faxal badani, kuwaas oo soo baxa marka faxalku qarxo.

gama'sii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Nafley hurdisiin.

gam'i [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley hurdisii.

hur [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) U h.: cid wax u hibayn. 2. (f.mg) Dab bixid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg