hurdo
(m.dh)

Xaalad xubnaha jirka nafleydu nasasho ku jiraan, indhaha la isku hayo oo aan garaadka iyo maankuba shaqaynayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hurdo

nabdaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Cabsi yar darteed hurdo ka kicid; hambabbaar.

qaaddiro [m.dh]
Caajis, daal iyo hurdo la'aan ka yimaada cunidda qaadka.

baraarug [m.l]
1. Dareen iyo feejignaan dheeraad ah oo arrin loo yeesho. 2. Si aan caadi ahayn oo dhaqsi leh oo hurdo looga koco. ld baraarugid.

baraarug [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Qof iskiis hurdo uga kicid. 2. Si aan caadi ahayn oo dhaqsi leh hurdo ugu kicid. 3. Dareen iyo feejignaan dheeraad ah arrin u yeelasho.

baraaruji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid hurdo ka toosin. 2. Dareen iyo shucuur dad kicin.

dheelallow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-laabay,-lowday; -laabi)
Qof hurdo ka kacay isagoo weli baraarugin dhaqdhaqaaq iyo hadal sameyn. ld dheerallow².

gama' [m.l]
1. Gelidda la galo hurdo. 2. ld gam'id.

gama'san [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax hurdo galay ahaansho.

halaaqo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Kala qaadidda qof kala qaado afka hurdo ama daal awgiis; hamaansasho.

hamaanso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Hurdo ama caajis awgiis af la kala qaadid. 2. Naftii baa ka h. satay: wuu dhintay. 3. ld hamaan².

hur [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) U h.: cid wax u hibayn. 2. (f.mg) Dab bixid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg