hurguf
(m.l)

Jafidda habaas, biyo iwm wax laga jafo. ld hurgufid.

hurguf
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-fay, -ftay)

Habaas, biyo iwm wax ka daadin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hurguf

hurgufan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-fnaa, -fnayd)
Wax la jafay ahaansho.

hurgufasho [m.f.dh]
eeg hurgufo.

hurgufid [m.f.dh]
eeg hurguf². ld hurguf¹.

hurgufnaan [m.f.dh]
eeg hurgufan. ld hurgufnaansho.

hurgufnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld hurgufnaan.

hurgufo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-ftay, -fatay)
Maro, derin iwm habaas, biyo iwm ka jafasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg