ibitiiliyam
(m.l) (-mo, m.dh)

(baay.) Nudo laga helo lafdhabarleyda oo ka samaysan unugyo aad isugu cufan oo ay u dhexeeyaan walax unug-gudeed ahi. Waxay samaysaa xuubka sare ee ku wareegsan jidhka iyo gidaarka moqorrada gudaha. Waxa kale oo ay sameysaa qanjidhada iyo qaybo ka tirsan organnada dareenka. Shaqooyinkooda waxa ka mid ah: ilaalin, nuugid, dhiiqid iyo dareen.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ibitiiliyam

xuub-xabeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(baay.) Lakab nudo ah oo ka kooban ibitiiliyam ay tiiriyaan nudo isku-xidhayaal. Ibtiiliyamka dhexdiisa waxa laga heelaa unugyo goblet oo gaar ah, kaas oo guudka kaga dhiijiya xab, ibitiiliyamkuna badanaa waxaa uu leeyahay gan. Xuub xabeebku wuxuu ku dhereere-ranyahay moqorrada jidhka ee xidhiidhka la leh dibadda sida mariinka cuntada iyo ma-riinka hawada.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg