ifso
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-saday, -satay)Meel ama wax iftiin u yeelasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ifso ↴
dhifso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Si xoog iyo dhaqso leh wax u jiidasho. ld dhufso.
diifso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Diif iska tirid (qof). ld duufso.
hinifso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Dareere yar oo weel salkiisa ku jira ka laacid.
ifsasho [m.f.dh]
eeg ifso.
jiifso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-saday, -satay)
1. (f.g) Shay taagnaa dhinac u dhigasho. 2. (f.mg) Hurdo seexasho.
nadiifso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax nadiif ka dhigasho.
silifso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax urkiisa sanka la raacid.
if [m.l] (-faf, m.l)
1. Kaah walxaha uu hayo suurta geliya in ay ishu aragto. 2. Adduunyo.
if [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Kaah indhuhu wax ka arki karaan bixin.