iftiimi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

ld ifi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh iftiimi

jaahilbixi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Ka j.: cid arrin ka dahsooneed u iftiimin.

ifi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax iftiin ku qabasho. 2. Raadraac yar arrin iwm ka bixin. ld iftiimi.

ifin [m.f.dh]
eeg ifi. ld ifis, iftiimin, iftiimis.

iftiimid [m.f.dh]
eeg iftiin².

iftiimin [m.f.dh]
ld ifin.

iftiimis [m.l]
ld ifin.

kaarbuuno [m.dh] (-ooyin, m.l)
Aalad batari ku shaqaysa oo gacanta lagu qabsado waxna lagu iftiimiyo; toosh. ld karbuuno.

lagas [m.l] (-gyo, m.dh)
(fiis.) (halbeeg) Summad: Lx. halbeegga caalamiga (H.C.) ee iftiimida, le'egna iftiinka uu soo kaahiyo burqad iftiimeedka 1 luuman ah, kuna fidsan bed hal mitir labajibbaaran.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg