iibsad
(m.l)

ld iibsasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh iibsad

balbalo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Meel dhisan oo kor ka dadan, dhinacyadana ka furan oo wax lagu iibsado. 2. Dhismo yar oo la harsado oo guriga hortiisa lagu dhiso. ld balanbalo.

cirbadhiibsad [m.l]
ld cirbadhiibsasho.

ciridhiibsad [m.l]
ld cirbadhiibsasho.

dhiibsad [m.l]
ld dhiibsasho.

dhiidhiibsad [m.l]
ld dhiidhiibsasho.

diibaaji [m.l]
Lacag yar oo horumarin ahaan qof wax uu iibsaday ka dhiibo. ld deebaaji, dibaaji.

diibsad [m.l]
ld diibsasho.

gabaye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Meel hadba waqti go'an oo lagu heshiiyey ay ganacsatadu wax ku kala iibsadaan; carwo.

gacanqabsi [m.l]
1. Ul ama wax la mid ah oo marka la socdo gacanta lagu qaato. 2. Lacag yar oo lagama maarmaanka lagu iibsado. 3. Lacag yar oo ganacsi lagu bilaabo. 4. ld gacanqabasho.

gacansaar [m.l]
1. Iib qiimaha la bixinayo marka wax la kala gato. 2. Xiriir saaxiibnimo oo dhex mara laba qof ama ka badan. 3. G. ah: lacag caddaan ah oo wax lagu kala iibsado. 4. ld gacansaarid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg