iil
(m.l) (-lal, m.l)

Meesha yar oo godka xabaasha dhinaceeda hoose ku taal oo qofka dhintay la dhigo.

iil
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1)

(iilay, iishay) Wax inyar weecin.

Dawliil*

Bidhaan fog


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Hiil*

Geed geed-gaabka kamida xoolu jecelyihiin oo guffe ahaan loo adeegsado, Geelu markuu daaqo caanihiisu waxay noqdaan qadhaadh. 


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh iil

ibitiiliyam [m.l] (-mo, m.dh)
(baay.) Nudo laga helo lafdhabarleyda oo ka samaysan unugyo aad isugu cufan oo ay u dhexeeyaan walax unug-gudeed ahi. Waxay samaysaa xuubka sare ee ku wareegsan jidhka iyo gidaarka moqorrada gudaha. Waxa kale oo ay sameysaa qanjidhada iyo qaybo ka tirsan organnada dareenka. Shaqooyinkooda waxa ka mid ah: ilaalin, nuugid, dhiiqid iyo dareen.

jaariile [m.l]
Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka webiyada, gaar ahaan gobolka Hiiraan.

kaadishiil [m.l]
Cudur keenna kaadida oo qofka gubta.

tafaasiil [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Faahfaahin.

xafiiltamid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xafiiltan². ld xafiiltan¹, xifaalootan, xifaaltamid, xifaaltan¹.

xafiiltan [m.l]
ld xafiiltamid.

xafiiltan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Laba qof xifaalootamid ama is xifaalayn. ld xifaal-tan².

xagli [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
U x.: shay xaggiisa u janjeerid; u iilasho; u eexasho.

xaliilad [m.dh]
Magac la siiyo gabyaa ku xeeldheer curinta maansada.

yididdiilo [m.dh]
Rajo; himilo. ld hididdiilo.

i [m.dh]
(i') Xarafka sagaalaad ee alifka soomalida.

i [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaa- maya qofka koowaad ee kelida ah, oo laga hadlaayo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg