jaahil
(m.l) (-liin/-llo, m.dh)1. Qof aan wax akhrin, waxna qorin. 2. kas-gaab kas-gaab
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jaahil ↴
jaahilbixi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Ka j.: cid arrin ka dahsooneed u iftiimin.
jaahilbixin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaahilbixi. jaahilbixi
jaahiliyad [m.dh]
1. Ku dhaqmid la'aanta diinta islaamka. 2. Xilliga Islaamka ka hore ee taariikhda carabta.
jaahilnimo [m.dh]
Jaahil ahaansho.
aqoondarnaan [m.dh]
1. Xaaladda qof aan cilmi barani ku suganyahay. 2. Xaaladda uu ku suganyahay qof aan wax qori karin waxna akhriyi karin; jaahilnimo; aqoon la'ahaansho. 3. eeg aqoondaran. ld aqoondarnaansho, aqoondarri, aqoondarro.
cawaan [m.l]
(cawaan, m.dh) 1. Dad jaahil ah oo aan diin lahayn. 2. Qof, qof kale hiil iyo hooba la garab taagan.
jaah [m.l]
1. Sharaf: magac-weyni. 2. Soo jeedka qofka inta indhaha ka sarreysa; weji, fool. 3. Woqooyi (bad).