jaal
(m.l) (-lal, m.l)

1. Saaxiib dhab ah; rafiiq; waday. 2. Koox tartan ciyaareed ku wada jira qof ka mid ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jaal

jaajaale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Qof maadlow ah oo dadka ka qosliya; maadeeye.

jaajaalee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
Maad iyo wax lagu qoslo samayn.

jaajaaleyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaajaaleyn.

jaalabbuud [m.l]
Jaadadka doonyaha jaad ka mid ah.

jaalabutee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-teeyay, -teysay)
Jaalabuto samayn.

jaalabuteyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaalabutee.

jaalabuto [m.dh]
1. Cayaar ay cayaaraan goroyada, shimbiraha iwm oo ay cagaha dhulka la dhacaan. 2. Socod nafley badani ay koox-koox ugu socoto. 3. Feer, haraati iwm oo cid lala dhaco

jaalle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Wadey; saaxib; jaal. 2. Qof shaqo, farxad, murugo iwm la qaybsada cid kale.

jaallenimo [m.dh]
Jaalle ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg